Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare.

Fadhigii saaka ee Baarlamanka Puntland waxaa soo xaadiray 54 mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Maxkamadda sare.

53 xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta xubnaha Maxkamadda sare ee magacaaban hal mudane ayaa ka aamusay islamarkaana cid diiday ma jirin.

Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa sidaas ku helay kalsoonida Baarlamanka waxaana lagu dhaariyay isla fadhigaas.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this