Sign in to follow this  
Liibaan

3 Xildhibaan ee Faroole xilalkii ka qaadey oo Buuhoodle si weyn loogu soo Dhaweeyey

Recommended Posts

Liibaan   

Buuhoodle(Jidbaale):-Waxaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn Sadexdii Xildhibaan ee dhawaan maamulka Faroole uu SSC ayey taageeraan sida sharci darada ah uga qaadey xilalkii Golaha wakiilada.

 

 

 

Waxaana soo dhaweyntooda ka qayb qaatey Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Sabarey,Madaxa Difaaca Yaasiin Tamaad,Gudoomiyaha Gobolka Cayn C/risaaq Muuse Faarax,Duqa Degmada Axmed Ibraamin Kaarshe iyo Masuulinyiin kala duwan,waxaana la filayaa in ay meel fagaare ah dadweynaha reer Buuhoodle kala hadlaan.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

that was an Ethiopian order to our poor Faroole....strangely this was the first time he has attended the assembly house after Puntland election!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sadexdii Xildhibaan ee Dhawaan Jabhada SSDF iyo hogaamiyaha Budhcad Badeeda Faroole xilalkii ka qaadey oo Buuhoodle si weyn

 

1280919560_maow.jpg

 

DSC02152.JPG

 

 

 

DSC02125.JPG

 

DSC02128.JPG

 

DSC02114.JPG

 

DSC02112.JPG

 

DSC02126.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Banaanbaxyoweyn iyo Kulano Balaadhan oo Lagu Soo Dhaweynayo Sadexdii Xildhibaan Ayaa Maanta Ka Dhacey Magaalada

 

1280937952_IMG_0018.JPG

 

Buuhoodle:-Kulankan oo ka dhacey Badhtamaha Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka soo qayb galey Isimo, Hogaanka SSC, Maamulka cusub ee Gobolka Cayn ,Xubnihii Garoowe ka yimi iyo dadweyne fara badan,waxaana halkaas laga jeediyey Gabayo,Buraan buro iyo Khudbadi dhinayco badan taabanayey.

 

Waxaa kulanka ugu horayn ka hadley kana warbixiyey sidii xilalkooda looga qaadey sadexdii Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Mamaulka Waqooyi bari ka tirsanaan jirey, kuwaasi oo kala ah Cumar Jaamac Saleebaan,Caaqil Abshir C/casiis iyo Ibraamin Maxamed Guure,waxaana ay sheegeen in xilalkii looga qaadey SSC ayaad la shaqaysaan.

 

Waxay intaas ku dareen in ay Bulshadda SSC Wakiil uga ahaayeen Golaha Wakiilada ayna waajib ku ahayd in maamulka ay ku cadaadiyaan hadii uusan soo celinayn Gobolka uu faraha kala baxo Maamulka Bulshadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay arinkaas u xilsaarteen.

 

Xildhibaanadu waxaa ay dhanka kale Bulshadda SSC u sheegeen in dadka ay walaalaha yihiin ee Mudug,Nugaal,Qordho iyo Boosaaso aysan cadaawada kula socon Faroole ,ayna aad uga xumaadeen qaabka sadexda xildhibaan loola dhaqmayo iyo guud ahaan SSC.

 

Ugu danbayntiina waxaa ay u mahad naqeen Isimada,Hogaanka iyo Bulshada Gobolka Cayn ee soo dhaweynta balaadhan u muujiyey waxaana ay ku booriyeen in la garab istaago hogaanka si loo soo celiyo dhulka maqan.

 

Madaxa Hay'adda Difaaca Yaasiin Cali C/dile Tamaad ayaa isaguna dhaliiley kulan u jeediyey maamulka Faroole ee cadaw tinimada balaadhan u muujiyey ummada Sool,Sanaag iyo Cayn, dhinaca kalena waxaa uu amaan balaadhan u jeediyey Ciidamada Jiida hore ee uu dhawaan booqdey, isagoo sheegey in ay yihiin Halyeyo dalkooda u diyaar ah in ay u dhintaan, wuxuuna ugu danbayntii bulshadda ssc ugu baaqey in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan Mustaqbalkooda danbe.

 

Intaas ka dib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Abwaan Buraale Yuusuf Magan iyo Faadumo Cabdi Xuseen oo Gabey Guubaabo ah iyo Buraanbur qiiro badan xanbaarsanaa halkaasi ka jeediyey.

 

 

 

 

 

Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed oo munaasibadaasi isaguna ka Hadley ayaa sheegey in aan sadexda xildhibaan xilal laga qaadin balse xilal kuwii hore ka sharaf badan ay heleen,maantana ay yihiin halyeyo bulshadda ssc, sida labada wasiir ee horey xilalkoodii iyaguna ku waayey difaacada iyo ilaalinta sharafta dadkooda Faraax Aadan dhalac iyo C/laahi Cali Xirsi Timada-cade,wuxuuna ugu baaqey xubanaha ku hadhey Golayaasha Faroole in ay dadnimo muujiyaan oo inta aan xilalka laga qaadin ay iskaga yimaadaan ,kuna soo biiraan dadkooda iyo danta ummadooda.

 

Dhanka kale waxaa uu Xaglo-toosiye ka Hadley hadalkii ka soo yeedhey Siilaanyo waxaana uu sheegey in ay nabad diyaar u yihiin balse aaney nabad imaanayn inta dhulkooda ay ku noqonayaan Jabhadda SNM,wuxuunna ugu baaqey in ay ciidamadooda la noqdaan markaas ka dibna ay labada maamul iyo labada Beelood ay daris ku wada noolaan karaan.

 

Garaad Jamaac Garaad Cali oo shirka soo xidhey ayaa waxaa uu isaguna ka Hadley warar baryahan laysla dhex marayey oo lagu dhaliilayo SSC oo la lee yahay heshiisyo hoose ayaa jira ama SSC waa mashruuq xilal lagu doonayo,ayaa waxaa uu sheegey in ay arimaashi yihiin kuwo dacaayado ah,hawshani ay tahay mid Bulshadan loogu adeegayo marka Ciidamada inaka ku soo dulay laga saaro deegaanka waxaa uu noqnayaa arin mustaqbal u noqota ummada Sool,Sagaan iyo Cayn

 

Garaadku waxaa kale oo uu sheegey in ay dhammaatey xiligii afar isim qol lala gali jirey masiirka ummadana sidaa lagu lumin jirey,wuxuu Garaadku cadeeyey in maanta Bulshadda SSC ay lee yihiin Siyaasiyiin iyo maamul u matalaya wixii siyaasad ah,Isimaduna ay wixii dhaqan ah ku kooban yihiin,oo ay la kulmi karaan dhigooda dhaqanka.

 

Isku soo wada duuboo waxaa uu ahaa isku soo baxii ka dhacey Garoonka Xabado ee magaalada Buuhoodle mid si weyn dadweynaha Gobolku u soo dhaweeyeen aada loogu diirsadey Khudbadihii Isimada iyo hogaanka SSC ay halkaas ka jeediyeen.

 

C/casiis Saleebaan Axmed

 

galoose@yahoo.com

 

Buuhoodle SSC Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSC02124.JPG

 

DSC02144.JPG

 

DSC02149.JPG

 

 

DSC02158.JPG

 

 

DSC02156.JPG

 

DSC02100.JPG

 

 

DSC02107.JPG

 

 

DSC02120.JPG

 

 

Xildhibaanadii Dhowaan Xilka Laga Qaaday Oo Si Diiran Buuhoodle Loogu Soo Dhoweeey(Sawirro)-

 

Lasanod Online. Wednesday, August 04, 2010

 

Shir-balaadhan iyo banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Hogaanka SSC ayaa Maanta waxaa Lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Buuhoodle,Shirkaani ayaa waxaa

Shirkaani ayaa waxaa lagu soo dhowaynayey 3 xildhibaan oo hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Puntland.

 

kuwaasi oo dhowaan xilalkii ay ka hayeen Baarlamaanka Puntland laga qaaday kadib markii loo cuskaday in ay la shaqeeyeen Hogaanka SSC sida ay sheegeen xildhibaanaddu.

 

3-da Xildhibaan oo kadib markii xilka laga qaaday Maalintii shalay soo gaadhey Magaaladda Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa maanta waxaa Loo qabtay Munaasibad Balaadhan oo lagu soo dhowaynayo.

 

Xildhibaanadda oo shirkaasi ugu horayn ka hadlay ayaa eeedayn dusha uga riday Madaxweynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Maxamed "faroole" kaasi oo ay ku sheegeen Mid kasoo horjedda danaha Iyo dib u soo-celinta Deegaanadda SSSC sida ay hadalka u dhigeen.

 

Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay Hogaamiyaha Hogaanka SSC Dr saleebaan Xaglatoosiye oo nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaanadda xilka looga qaado taageeradda SSC.

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Garaaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka ayaa ka hadlay Hadal dhowaan uu jeediyey Madaxweynaha Cusub ee Somaliland axmed maxamed maxmuud siilaanyo kaasi oo uu ku sheegay in madax dhaqameedka Goboladda Sool, Sanaag Iyo Cayn ay la hadlayaan isla markaana ay fidfinayaan googol nabadeed.

 

Garaadku wuxuu arintaasi ku sheegay mid aysan aqbalayn.. sida uu hadal-kiisa u dhigay.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiradii Xafaladii Soo Dhoweeynta Xildhibaanda.

 

 

 

F.G: Waxaanu dhowaan idiinsoo tebin doonaa hadii Allah idmo khudbadihii laga jeediyey xafladan.

 

 

Xafiiska Wararka Lasanod Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dhegayso: Khudbadihii Soo Dhoweynta Xildhibaanada ee Maanta Ka Dhacday Buuhoodle-(Maqal)-

 

Buhoodle,(Lasanod Online)- Waxaa maanta lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Magaalada Buhoodle Xafald ballaadhan oo lagusoo dhoweeyey Xildhabaanadii..

 

Dhowaan Maamulka Puntland ka qaaday xilka Xubinmada Golaha wakiilada.

 

Xildhibaandan oo ay maanta soo dhoweeyeen shacab aad u tiro badan oo isugu jira isimo, odayaal, waxgarad iyo qaybaha bulshada ee kala duwan.

 

Xafaldan ayaa waxaa ka hadalay garaad jaamc Garaad Cali, Hogaanka SSC iyo xildhibaanadii..

 

Hoos ka dhegayso khudbadihii xafalda..

 

 

 

1. Khudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali

DSC02169.JPG

 

 

2. Khudbadii Hoogaamiye Saleebaan Xaglotoosiye

DSC02163.JPG

 

3. Khudbadii Xildhibaan Ibrahim Guure

DSC02142.JPG

 

 

4. Khudbadii Xildhibaan Abshir Cabdicasiis

DSC02154.JPG

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

 

Farooole iyo Jabhadiisa SSDF ayagaa dagaal kula jira shacabka SSC iyo hogaanka SSC

 

Nonsense adeer, this is a "war" between men from the US, Garad Jama & Saleban and a man from Oz, Faroole. Dont bring the people into it...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by General Duke:

^^^

 

 

Nonsense adeer, this is a "war" between men from the US, Garad Jama & Saleban and a man from Oz, Faroole. Dont bring the people into it...

Cadowga Kowaad ee SSC waa SSDF/SNM

 

 

Stop telling lies Mr. SSDF, the war is between Fool Faroole/SSDF pirates VS. people of SSC

 

And now the war is between Faroole vs former Ministers, and MPs of so-called Puntland

 

 

Xaglotoosiye is one man, there so many SSC politicians who are willing to lead and replace him, BUT Fool Faroole and his SSDF Fans (Many of them in SOL Forum) because they are NOT smart they focusing on one man, when the issue is bigger (SSC Freedom Movement)

 

Just like Warlord Riyaale, Warlord Siilaanyo will leave, and like Pirate Cade Muuse, Pirate Faroole will leave as well , and another pirate will lead the pirateland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by RedSea:

I think this man [Faroole] is good for Puntland. He seems more reasonable and a man willing to compromise for the sake of peace in the region.

Only SNM fans and SSDF fans like Fool Faroole & Warlord Siilaanyo, both Public Enemy No.1 of SSC people

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this