Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo booqday isbitaallada Gurmadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667279780933.jpg?resize=721%2C48

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa caawa booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir  oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol.

Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada, warbixin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay dhakhaatiirta sida ay heeganka ugu yihiin caawinta dhaawacyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  ayaa soo kormeeray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah guddiyada gurmadka qaraxii KM5.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka howlaha gurmad ee ay qabteen saacadihii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay  in Xukuumaddu ay garab taagan tahay guddiyada gurmadka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo booqday isbitaallada Gurmadka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this