Sign in to follow this  
General Duke

Graowe: MP Asha Ahmed Abdalla calls on Sharif Ahmed to resign stop the lies

Recommended Posts

10461.jpg

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka DKMG oo ku baaqay in Sh Shariif uu iscasilo

 

Xildhaan Caasho Axmed Cabdalle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe 2004tii isu soo taagtay jagada madaxtinimada Soomaliya, ayaa ku baaqday in Madaxweynaha Soomaliya Shariif Sheekh Axmed uu is casilo maadaama bay tiri uu madaafiic iyo hoobiyaal uu la dhacayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Mogdisho maalintii 6aad isla markaana uu iibsaday qeyb ka mid ah dalka Soomaliya waa sida ay hadalka u dhigtay.

 

Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalle ayaa sidoo kale ku eedaysay madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif in uu inqilaabay dowlad dhisan isaga iyo dowlada Jabuuti iyo waliba wakiilka Qaramada Midoobi u qaabilsan Soomaliya Axmed Wallad Cabdale mar ay wareysi gaar ah siisay Idaacada SBC .

 

“Shekh Shariif 275 qof ayuu ku soo daray barlamaanka Soomaliya waxuuna meesha ka saaray xuquuqdii kuwii hore isagoo been iyo barabugaando beesha caalamka ku akhriyey xaq dardii uu shalay galay ayaa maanta ka soo baxday kuwii ay shalay meel ka soo wada jeedeen ayaa maanta la dagaalamaya shareecada islaamka uu ku baaqay magaranayo beerlaxowsiga uu ka lee yahay dadku waa muslim 100/% sidaas waxaa tiri Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale”

 

Baarlamaanka Soomaliya waa in ay xilka ka qaadaan madaxweyne Sheekh Shariif isla markaana geed hoostii la isugu yimaada aayaha Soomaliyan laga tashadaa iyadoon beesha caalamka lala tashan

 

waayo bay tiri Maamulada Puntland iyo Somaliland waa dad muslin ah kuwa isku sheega beesha caalamka afka qalaadna loo yaqaan international community waxba uma dhisan maamulda aan kor ku soo sheegay dadku iyagaa wax qabsaday sidaa daraadeed looma baahna faragelin shisheeye oo garab siiya Sheekh Shariif oo aan ku tilmaami karo khaain wadan”

 

Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale waxay ugu baaqday beesha caalamka gaar ahaan wadamada Mareykanka Kenya iyo Ethiopia in ay kala baxaan gacmaha arimaha Soomaliya Soomaliyana aayaheeda garataa.

 

Axmed Max’ud Max’ed [Axmed-Shaam]

SBC International Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

LOl. OK, I'll leave your MP alone, laakiin rag baan is haysanaaye please yeey na soo dhex gelin. Dhamac rasaaseed baa laysku ridayaa marka we don't want divided concentration. You know one loud woman can lose you a very important war. :D

 

PS: SOL battle with you kama bixi karo ninyoow ee iga daa. Nimankaa aan is hayno ayaan gows-dambeedka ka soo rujin rabaaye. The Dalanbaabi Brigade oo uu Kashaqa madax u yahay weeye niman iska hadaaqaya :D

 

Gardarro, igu dheh. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I dont want war with anyone I am just observing.

 

As for the war in SOL, so far you have held your own under great pressure, Xiin seems to be running out of courage, you need to equip him the battle has just begun.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Lol. War Xiin uses the philosophy of 'Look weak when strong, strong when weak'. smile.gif Intuu dhulka ka sarreeya ayeey dhibabadu dhulka ugu aasan yihiin, Adeer. He was more of the stuff that fuels the brave and the patriotic. :D

 

Markeey rasaastu gumacleeysana dhankiisuu waxa ka soo dhaca sawaariiq wada damleyneysa. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waxaa marag ma doonto ah in Marwo Caasho rag badan dhaanto, oo ay weliba hawada cabsiisey ina rageed badan golayaal hore fooda laysugu daray, Paragonow haweenaydan ha ku degdegin, igu soo orod maaha, "nin kuu digayna kuma dilin" ee bal horta intaa qabso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Mansa Muuse, qoftu waxay tahayba aniga kuu ma diiddani, balse wakhti aanan loo baahneyn ayeey hadashey. Isn't she a 'xildhibaanad'? Isn't she a member of this government? If yes then what's the point of weakening the very government she's part of with such talk? Hadal walba goor ku habboon ayuu leeyahay, hadalka hadda ka soo yeereyna waa waxkumataal, Adeer. Intaa aniga ig qor.

 

No disrespect but she's better off in silence for now. Dawladda ha is difaacdo, iyaduna ha sugto when the appropriate time for raising such concerns presents itself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Isku raacsanin inay leebka Caasha la geftey target-kiisa markan, ee waxaan rabey inaan xasuusiyo ragga qaar inaan qofka hal khalad oo mar ka dhacay lagu boodhayn taariikh nololeedkiisa oo dhan.

 

Dhibaatada ugu weyn ee dawlada haysata waa Aweys iyo inta uu lugaha ku qaato!, ee hadalka Caasha waa deelqaaf yar oo aan loo baahnayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mindhaa waxey ka baqeysa shaqo la'aanta soo food saaran xildhibaanada dumarka sababtoo ah hadii Shabaab awoodi hesho ama shariifka uu helo fursad uu maamulo waxa meesha ka baxeyso kaalinta dumarka ka ciyaraan siyaasada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this