Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Sarkaal ka tirsan Gor Gor oo ka hadlay sidii ay xoreeyaan Masaajid Cali-Gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Xidigle Xasan Ibraahim oo ka tirsan ciidanka Gor Gor ayaa ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay degaanka Masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan ay Al-Shabaab ka xoreeyeen.

Sarkaalkaan ayaa warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee saldhiggii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, wuxuuna ka warbixiyey nolosha ka jirta deegaankaas.

Xasan Ibraahim wuxuu warbaahinta u sheegay in deegaankaas ay si wadajir ah u xoreeyeen ciidamada Danab iyo Gor Gor oo is kaashanaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay aad uga tiiraanyoonayaan dhibaatada iyo xasuuqa ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday inay furimaha ku soo afjarayaan.

“Waxaan nafteena ugu deeqnay qarankeena, maalin kasta waxay dilaan tobanaan masaakiin ah oo aan waxaba ka galabsan, anaga waa naga cararayaan, laakiin kama hari doono, hadii ay dhulka galaan waan ka daba geli doonaa, kama hari doono,” ayuu yiri Xasan Ibraahim oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Gor Gor.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka sii gudbayaan degaankaan ay xoreeyeen ee Masaajid Cali-gaduud, “Shabaab kama hari doono, waajibaadkeenu waa inaan soo afjarno kooxdaas, maanta deegaankii idinkugu muhiimsanaa waa kan waa xor,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ayaa balan qaaday inay dib u dejin iyo garab istaag u muuji doonaan dadkii ay Al-Shabaab deegaankaas ku dhibaateynayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Sarkaal ka tirsan Gor Gor oo ka hadlay sidii ay xoreeyaan Masaajid Cali-Gaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this