Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda DF iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbeeyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socday Villa Somalai..

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo  saaray ayaa waxaa kamid ah sidii kooxda Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dhulka Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa dhammaan heshiisyadii dhanka amniga ee horey loo kala saxiixday.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada dalka kuwaas oo halis ugu jiro inay gaajo u dhintaan.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa sidoo kale qeyb ka ah in la dhameystiro dastuurka dalka, waxaana lagu heshiiyey in la dhameystiro xubnaha dhiman ee guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada oo dhameystiran

 

1-18-1104x1536-1.jpg 2-15-1097x1536-1.jpg 3-13-1104x1536-1.jpg 4-7-1104x1536-1.jpg 5-3-1096x1536-1.jpg 6-1100x1536-1.jpg

 

 

The post Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda DF iyo maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this