Sign in to follow this  
Cowke

Shaykh Sharif Position Regarding The Resignation Of Ministers

Recommended Posts

Cowke   

Mawqifka Madaxtooyada Soomaaliya Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada

June 10, 2010

 

Warbixinta hoose waxaa Horseed Media soo gaarsiiyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, waxaana lagu tilmaamayaa mawqifka madaxweynhu ka taagan yahay wasiirada is casiley:

 

(Muqdisho, Soomaaliya, June 9, 2010) Kaddib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.

 

Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.

 

Is-casilaadda wasiiradu, waa mid iyaga ka timid; waana arrin dhex-taalla Golaha Wasiirada.

 

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, sidaas darteed, Madaxweynuhu waxa uu ku talinayaa arrimahaan oo kale in ay ka wada hadlaan masuuliyiinta ay khusayso.

 

Sidoo kale, iyada oo la ixtiraamayo aragtida wasiirada, haddana Madaxtooyadu uma aragto is-casilaadda qaabkan ah in ay tahay sida ugu habboon oo xal lagu gaari karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this