Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Fiqi oo booqday Xarunta Hawlgallada Gurmadka Qaraxyadii Soobe

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqiaa.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi, ayaa saaka booqday xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib Qaraxii Soobe.

Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale maamulaha xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah oo ugu horreyn wasiirka uga warbixiyey howlaha ilaa hadda ay qabteen ayaa sharaxaad ka bixyey diiwaangelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay ka qeyqaadashada gurmadka, isaga oo yiri “Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qeyb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka”.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soojeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Fiqi oo booqday Xarunta Hawlgallada Gurmadka Qaraxyadii Soobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this