Sign in to follow this  
Deeq A.

Luiz Inacio oo ku guulaystay xilka Madaxweynaha dalka Brazil

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee waddanka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaasi Brazil.

Luiz Lula da Silva oo u janjeedha siyaasadaha dhinaca bidixda, ayaa helay 50.9% codadka la tiriyey oo dhan 99%, halka madaxweyne Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa isaguna helay 49.1%.

Doorashada ka dhacday dalka Brazil ayaa u ekayd, sidii afti laga qaadayo, labada aragtiyood ee ay kala hoggaaminayaan labadan musharax, taas oo ah, nooca ay u ekaanayaan, siyaasadaha mustaqbalka ee dalka Brazil. Madaxweynaha haatan xilka haya ee la sheegay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa intii uu sharaxnaa, wuxuu wacad ku maray inuu dalka Brazil ka hirgelinayo siyaasado ad-adag, gaar ahaan, habka loola tacaalayo loogana soo kabanayo xanuunka COVID19 ee dhimashada badan keenay iyo weliba xaalufka baahsan ee ka jira kaymaha Amazon.

Madaxweynaha codadka ku horreeya ee Lula da Silva ayaase isagu wuxuu ballanqaaday inuu xoogga saari doono dhinaca arrimaha bulshada iyo deegaanka, isagoo codeeyayaasha xasuusiyey ladnaanta dalka ka jirtay xilligii uu xukunka hayey ee sannadkii 2003, ka hor intii aanay soo shaac bixin fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq oo ka dhan ahaa xisbigiisa.

PUNTLAND POST

The post Luiz Inacio oo ku guulaystay xilka Madaxweynaha dalka Brazil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this