Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday dhaawacyadii qaraxyadii isgoyska Soobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Mudane Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday dhaawacyadii qaraxyadii isgoyska Soobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this