Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo la wareegay degmada Boocame ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay saaka la wareegeen degmada Boocame oo ka tirsan Gobolkaasi.

Ciidamo xooggan oo ka tirsan Somaliland ayaa saaka gudaha u galay degmada Boocame halkaas oo fariisimo ciidan ka samaysteen sida ay wararku xaqiijinayaan.

Ilo wareedyo dhinaca Amniga ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada Somaliland isku ballaariyeen degmada Boocame iyo nawaaxigeeda.

Boocame ayaa kamid ah degmooyinka ay xukuumadda  Puntland doonayso in laga qabto barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Somaliland oo la wareegay degmada Boocame ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this