Sign in to follow this  
General Duke

Dayniile airstrip closed: Courts achieved what TFG could not..

Recommended Posts

The Islamic courts of Mogadishu have "closed" the air strip of Dayniile until further notice. No planes landed in the airstrip out of fear of getting embroiled in the battle between the Alliance against Terror and the Courts... Also remember that PM Geedi a while back announced that the TFG closed this air strip. Power seems to be in the hand of the courts...

 

Garoonka Deyniile oo ay maanta ka weecdeen diyaaradihii Qaadka

 

Muqdisho- 19.February.2006 Diyaayaradihii qaadka keenay magaalada Muqdisho oo inta badan isticmaali jirey garoonka diyaaradaha Dayniile

ee ku yaal duleedka magaalada Muqdisho, isla markaana uu maamulo Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa maanta waxay ka weecdeen garoonkaas.

 

In ka badan 5 dayuuradood oo qaad ka keenay magaalada Nairobi oo caadiyan ugu dagi jirey garoonka Dayniile ayaa maanta waxay ku degeen garoonka No 50 ee ku yaal gobolka Shabeelaha hoose oo uu gacanta ku hayo Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

 

Qaar ka mid ah Ganacsatada qaadka ee magaalada Muqdisho oo la haldey SBC ayaa sheegay in sababta ay ugu dageen diyaaradihii qaadka garoonka No 50 ay tahay arimo la xiriira xaga amniga, bacdamaa wadada tagta garoonka Dayniile ay aheyd halkii ay shaley ka dhaceen dagaaladii xooga lahaa ee dhexmarey Maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho iyo kuwa kale oo taabacsan Max’ed Qanyare iyo waliba Isbahaysi cusub oo shaley Muqdisho lagu dhsiey oo lagu magacaabo La dagaalanka Argagixisada.

 

Ninka madaxda ka ah midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa war uu saxaada siiyey wuxuu ku sheegay inay ka dambeeyeen xirnaanshaha garoonka Dayniile waxaana uu sheegay inay taasi u sameeyeen si ay uga hortagaan hawlaga garoonkaasi oo ku tilmaamey waa sida hadalka uu u dhigay’e in laga dhoofiyo Islaam ah oo loo gacan galin jirey Shisheeye, inkastoo warkaasi aan loo hayn cid madaxbanaan oo xaqiijisa.

 

 

C/laahi Soomaali

SBC Gaalkacyo.

 

Also in SBC News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha Islaamka ah oo sheegay inay xireen garoonka diyaaradaha ee Dayniile

Posted to the Web Feb 19, 14:06

 

 

Muqdisho (PP) – Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta daboolka ka qaaday inay xireen garoonka diyaaradaha ee Degmada Dayniile oo uu madaxda ka yahay Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradihii ka soo dagi jiray ay maanta ka soo dageen garoomo kale sida garoonka diyaaradaha ee KM 50, waxaana uu sheegay inaysan jirin maanta wax ku soo dagay garoonkaas.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in garoonkaas sababaha ay u xireen uu yahay isagoo laga soo dajiyo jaadka isla markaana laga dhoofiyo daroogada, sidoo kalena laga dhoofiyo culummada Soomaaliyeed ee loo garto inay yihiin kuwo ku dheggen diintooda islaamka, waxaana uu ku sheegay wax aan la qaadan karin in garoonkaas uu furnaado iyadoo laga fuliyo howlo ka dhacan Diinta Islaamka.

 

“Waxaan caddeynaynaa inaan xirnay maanta wixii ka dambeeya garoonka diyaaradaha ee Dayniile, sidaa daraadeedna aysan jiri doonin diyaarado hadda kaddib ka soo dagaya, balse haddii laga daayo howlaha lagu fuliyo ay ka soo degi karaan diyaaradaha ka soo daji jiray†ayuu Sheekha oo hadalkiisaan ku soo beegay maalin kaddib markii ay dagaallo hubeysan oo geystay khasaarooyin kala duwan ay dhex mareen Midowga Maxkamadaha Islaamka ah iyo Malleeshiyo ka amarqaadata Wasiirka Ammaanka Qaranka Maxamed Qanyare oo xaruntiisu tahay Dayniile.

 

Mar ay Puntlandpost la xiriirtay garoonka KM 50 ayaa waxaa la caddeeyay in garoonkaas ay ka soo dageen in ka badan 6-diyaaradood oo ka dagi jiray Garoonka Dayniile, isla markaana waxaa la sheegay in duuliyeyaasha diyaaradahaas ay sheegeen in Dayniile ay ka jirto qalalaase amaan-darro tan iyo inta ammaanka uu ku soo laabanaya ay ka soo daji doonaan KM 50-.

 

Garoonka Dayniile ayaa ka mid ahaa garoomo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay yihiin garoomo loo adeegsado si sharci-darro ah sidaa daraadeedna aysan sii furnaan karin, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka codsatay dowladda Kenya inay diyaaradaha dalkeeda ka imaanaya ka joojiso garoonkaas, balse wax guul ah arrintaas lagama gaarin, waxaana sii socday in diyaaraduhu ay si joogto ah u isticmaalaan.

 

Ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan arrintaas oo ka soo baxay dhanka isbahaysigii shalay looga dhawaaqay Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by General Duke:

The Islamic courts of Mogadishu have "closed" the air strip of Dayniile until further notice. No planes landed in the airstrip out of fear of getting embroiled in the battle between the Alliance against
Terror and the courts
.

Assalamu Calaykum,

 

What exactly do you mean by terror, are you fed up with Western propaganda? get a taste of reality and don't be considering a true Muslim a terrorist. By the way, I think you should stick to just being a reporter.

 

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this