Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adii ugu horeysay oo kasoo jawaabtay cosiga madaxweyne Xasan ee Qaraxii Zoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) ayaa noqotay hey’adii ugu horeysay ee kasoo jawaabto codsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee ahaa in si deg deg ah gargaar caafimaad loola soo gaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay  Tedros Adhanom Ghebreyesus  ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan.

Tedros Adhanom Ghebreyesus  ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxa WHO wuxuu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qaraxii kan khasaaraha badnaa ka dhacay isla isgoyskaan Shan sano ka hor.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegatay inay la beegsatay dhallinyaro la ciidameyn rabay balse sida muuqata waxaa ku dhintay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato iyo dad isticmaalayey jidadka.

The post Hey’adii ugu horeysay oo kasoo jawaabtay cosiga madaxweyne Xasan ee Qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this