Deeq A. Posted October 30, 2022 Donald Trump ayaa si kulul u dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka, markii ay ka xidhay account-kii uu ku lahaa, iyadoo loo cuskadey arrimo ammaan. Ka dib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka, shirkadda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay ka joojisay Donald Trump in farriimo galiyo bartooda, taasoo loogga gol leeyahay “sababo loogga hortagayo khatarta hurin colaadeed”. Trump ayaa dacweeyay Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay waxa ay kula kaceen wax ka baxsan ” faafreeb”. Si kastaba ha ahaatee, ka joojinta “joogta ah” ee Trump dhanka shirkadda Twitter-ka, ayaa haatan waxay u eg tahay mid aan la hubin. Elon Musk, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray inuu soo bandhigi doono “gole” go’aan ka gaadhi doonna, in Donald Trump loo ogolaan doono iyo in kale. Laakiin haddii Trump lagu casuumo inuu dib ugu soo laabto masraxa bartan, waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay u maleeyaan wax aan macquul ahayn. Sida Elon Musk, Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wuxuu jecel yahay Twitter-ka. Trump ayaa waxay u ahayd bartani masraxii sida tooska ah ugu xidhay codbixiyayaasha, isagoo hareer maray warbaahinta soo jireenka ah. Source Share this post Link to post Share on other sites