Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii u danbeeyay  ayaa xaqiijinaya in ilaa 200 oo qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadii Muqdisho halka in ka badan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen.

Meydad horleh ayaa saaka laga soo saaray goobtii qaraxyada taas oo kordhisay tirada dhimashada ee markii hore dowladdu shaacisay.

Dad kale ayaa weli nolol iyo geeri midna lagu la’ yahay islamarkaana laga dhex baadi-goobayaa burburkii qaraxyadaas ay geyseen.

Boqollaal qof oo raadinaya dad ka maqan ayaa sidoo kale ku sugan xarumaha caafimaadka Muqdisho.

Khasaaraha qaraxyadan ayaa sii kordhi karaa madaama ay jiraan dad badan oo lagu la’ yahay goobihii qaraxyadu ka dhaceen.

Dhinaca kale waxa xarumaha caafimaadka ka socda gurmadka loo fidinayo dadka dhaawacyada kala duwan qaba oo sida la sheegayo qaarkood culus yihiin.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this