Sign in to follow this  
Deeq A.

Af-hayeenkii Wasaarada Arimaha Debeda Somliland oo la xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   
Afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) ayaa la sheegay inuu maalmihii u dambeeyey ku xidhan xarunta dambi-baadhista CID ee magaalada Hargeysa.
Lama oga sababta dhabta ah ee loo xidhay Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), Hay’adaha Ammaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaduna kama hadal xadhihiisa,
Balse waxa arrintani ku soo beegmaysaa xili ay Afhayeenka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu dhawaan isweydaarsadeen qoraalo isku liddi ah, waxàana la filayaa in xadhigiisu khilaafkaas la xidhiidho.
XIGASHO – SAAB TV
suudi.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this