Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada ka dhacay aagga Zoobe ee Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qaraxyada maanta agagaarka Laami Yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhow Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse waxay xogtu sheegeysa inaan wasaaradda si toos ah loo qarixin.

Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac xoog leh, waxaana Caasimada Online ay illaa iyo hadda xaqiijisay 20 dhimasho, dhaawacana aad ayuu uga badan yahay intaas.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ku dhintay taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed kaasoo dhawaan laga soo badalay degmada Wardhiigley, waxaana sidoo kale la dhintay qaar ka tirsan ilaaladiisas.

Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada. Sidoo kale weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA ayaa dhaawac ah.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka xarunta, waxayna wasaaradda ku taalay meel aad u mashquul badan oo isgoys ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ku-xigeenka iyo agaasmaha guud ee wasaaradda ayaa gebi ahaanba ka maqnaa xarunta wasaradda oo la rumeysan yahay in bartilmaameedku ahaa.

000_32MD89B-scaled.jpg

2022-10-29T122611Z_1599006494_RC20BX9UIF

2022-10-29T122412Z_2034816812_RC20BX9BX4

Qarax-Muqdisho-1-scaled.jpg

Somalia_Attack_22302489164402-scaled.jpg

2022-10-29T122046Z_662836797_RC20BX9P14O

The post Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada ka dhacay aagga Zoobe ee Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this