Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Buuloburde + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay degmada Buuloburde oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa horkacayo wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi, waxaana sidoo kale qayb ka ah wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa safarkan qayb ka ah wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii usoo qiimeyn lahaayeen xaaladda magaalada oo ay dhowaan qaraxyo ka fulisay kooxda Al-Shabaab oo burburisauy buunada Buuloburde.

“Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar ukuur-gelid ah waxaa ay ugu amba-baxeen magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sonna.

Sidoo kale wasiirada ka socda dowladda federaalka ayaa u kuurgeli doono xaaladda dadka deegaanka iyo barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Buuloburde ayaa ka mid ah magaalooyinka ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana magaaladaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa deegaanka ee u istaagay iska caabinta xoogaga kooxda Al-Shabaab.

FIQI.jpg FB_IMG_1667021699038.jpg FB_IMG_1667021713118.jpg

The post Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Buuloburde + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this