Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Buulo-burde

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1667021671694-1.jpg

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar waxaa ay ku gaareen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale  kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

PUNTLAND POST

The post Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Buulo-burde appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this