Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay in ay samaystaan mudda kororsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa isku raacay in la samaysto mudda kororsi min hal sano ah sida ay xaqiijinayaan xogaha hoose oo laga helayo Shirka Muqdisho.

Dad xog-ogaal ah oo warkooda lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhammaan Madaxda ku shirsan Villa Somalia ay isku raacsan yihiin in la samaysto mudda kororsi min hal sanno ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sidoo kale go’aansaday in ay cod iyo cudud midaysan ku dhaqan-geliyaan mudda kororsiga si loo wiiqo cid kasta oo diiddan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisa sharciga ah uu yahay shan sano ayaa kamid ah Madaxda isku raacay mudda kororsigaas.

In Madaxweyne Deni uu qaato go’aan burinaya mudda xileedkiisa sharciga ah ee la doortay ayaa ka dhigan in uu jebiyay qodobka 79-aad ee Dastuurka Puntland ee caddaynaya xil-haynta Madaxweynaha.

Waxa xusid mudan in taariikhda Puntland hal mar la isku dayay mudda kororsi markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye oo lagu riiqday.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay in ay samaystaan mudda kororsi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this