Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin Oo Sheegay In Aanu Nukliyeer U Adeegsan Doonin Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa beeniyey inuu wax damac ah ka leeyahay inuu hub Nukliyeer u isticmaalo dalka Ukraine.

Putin ayaa dagaalka dalkaas ku qeexay inuu qeyb ka yahay dadaallo ay Reer Galbeedka ku xaqiijinayaan awood ku muquunintooda caalamka, oo uu ku sheegay mid guuldarreysan doonta.

Isaga oo ka hadlayey shirka khubarada caalamka ee siyaasadda arrimaha dibedda, Putin ayaa sheegay in ayna wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku weeraraan Ukraine.

“Ma aragno baahi taas loo qabo. Ma jiro wax macno ah oo ay sameyneyso siyaasad ahaan, iyo millatari ahaan,” ayuu yidhi Putin.

Putin ayaa sheegay in digniin uu hore u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado “wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka,” ayna ka dhigneyn isticmaal Nukliyeer, balse ay jawaab u aheyd hadallada Reer Galbeedka ee ah suurta-galnimada inay adeegsadaan hub Nukliyeer.

Wuxuu si gaar ah u xusay Liz Truss oo bishii August sheegtay inay diyaar u tahay adeegsiga hub Nukliyeer, haddii ay noqoto raysal wasaare, hadalladaas oo Putin uu sheegay inay walaaciyeen Kremlin-ka.

Truss ayaa Raysal wasaaraha Britain noqotay horraantii September balse xilkaas iska casishay 44 maalmood kadib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this