Sign in to follow this  
Deeq A.

Elon Musk oo noqday mulkiilaha cusub ee shirkadda Twitter-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Elon Musk ayaa Khamiistii noqday mulkiilaha cusub ee Twitter-ka.

Musk oo ah ninka ugu taajirsan dunida ayaa $44-bilyan ku biibsaday shirkaddan sida ay qortay warbaahinta Maraykanka.

“Uma iibsan Twitterka inaan lacag badan ka sameeyo. Waxaan isku dayayaa in aan caawiyo bini’aadamka oo aan jeclahay” ayuu yiri Elon Musk.

Musk ayaa isla markiibaa shaqada ka eryay Madaxii Fulinta ee Twitter Parag Agrawal, Madaxa Maaliyadda Ned Segal iyo madaxa arrimaha sharciga iyo siyaasadda Vijaya Gadde.

PUNTLAND POST

The post Elon Musk oo noqday mulkiilaha cusub ee shirkadda Twitter-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this