Sign in to follow this  
Deeq A.

Soonaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay adeeg gaarsiinta dhulka laga saaray Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan hawlgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowladda kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada laga saaray Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Soonaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay adeeg gaarsiinta dhulka laga saaray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this