Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666863492873.jpg

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay Shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka qayb-galaya dhamaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Ra’iisul wasaaraha dalka, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Banaadir.

Shirka ayaa sida wararku sheegayaan, waxaa looga hadli doonaa dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xallinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.

PUNTLAND POST

The post Shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this