Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan saagootin ah la qaatay Safiirka Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666892531731.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Villa Somalia Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Al-cusmaan, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Al-cusmaan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Carabta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan saagootin ah la qaatay Safiirka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this