Sign in to follow this  
Deeq A.

70 sanno ka hor Hindiya iyo Pakistan, waxa looga talinayey London, Maanta Raysal Wasaaraha UK ka taliyaa waa Hindi, Maayarka London, waa Pakistani

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashadii Rishi Sunak dhawan loo doortay raysalwasaraha ingiriiska waxa iga so baxay wax badan ila aan markii danbe wayeyba cid dooratay dhanka Ingiriiska balse aan mar danbe ogaaday in maraykanku so doortay oo iagada keensaday isaga oo hadafyo badan ka leh.! Bal aan Dhawr qodob oo yar uun aan ka sheego.

# Rishi Sunak Diin ahaan waa Hinduus waxa u noqonaya qofkii labaad ee aan ahayn kiristan ee raysal wasare ka noqda uk.

# waxa uu ka so shaqeyey banka goldman sachs oo ay leedahay koox yuhuudi bankan aya waxa ka so shaqeyey dad badan oo markii danbe dalalkoda madax sare ka noqday tusaale ahaan waxa ka mida madax waynaha faransiska ee hada jooga lkn waxa yaab leh dadkaasi dhamaantoodba hal sifo ayey wada wadagaan oo ah islam nacaybka.

# India waxay ku socota xawaare sare dal ahan iyo dad ahaanba, waxay bishi hore ka qaaday uk booskii 5 aad ee dhaqalaha aduunka iyada oo ku riixday booska 6 aad, dhanka dadkana reer india ayaa aduunka xilal sare ka qabanaya waagan danbe waxana ka mida kan uk ee hada iyo maraykanka oo ay halamsadeen ku xigeenka biden.

# Aduunka waxa maamula illahay oo dadka maalmaha isu waydariya ama u kala bedela tusaale 70 sano ka hor India iyo Pakistanba waxa looga talin jiray boqortooyada Ingiriiska oo fadhigedu aha london maantana dalkiina waxa raysal wasare ka ah india londona waxa moyer ka ah Pakistan waa mid ka mida awoodaha ilahay in la gumaystihii gumaystihiisi maalin kale u taliyo.

# ugu danbayntii reer galbeedka mar kasta oo balaayo dhaqaale iyo mid kaleba ku habsato waxay xilkooda sare u dhibaan dadka ay takooran ama ay ka tirada badan yihiin si ay balayalada uga baxaan tusaale maraykanka 2008 waxa ku habsatay dhaqalo xumadii ugu darnayd abid markaaa ayey doorten obama Ingiriiska maanta waxa ku habsatay dhaqaale xumo daran marka ayey doorteen Rishi Sunak tariikhda oo dhan dib u raac.

Waxa qoray: Eng Samaale Mo Somaali

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this