Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Qodobada ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Gar-xajis

Recommended Posts

Deeq A.   

1.Beeshu waxay go’aan ku gaadhay in hadii ay gaadho 13 Nov oo Aan doorashadda  madaxtooyadda laga heshiin in aanay wax doorasho ahi ka dhicikarin deegaanadda beeshaasi degto.

Qodobka kamid ah qodobada.

2.Mudo kordhinta gurtidu u samaysay Madaxwaynaha iyo M/Kuxigeenka ma waafaqsana dastuurka dalka Q/83 F/5 Sido kale Kumu iman isfahan iyo heshiis siyaasiya,sida darteed B.GX waxay ka soo hor jeeda mudo kordhin kasta oo aan waafaqsanayn Sunaha ama aan ku imaan heshiis loo dhan yahay.

3.Khilaafadka siyasadeed ee Somaliland ka jira waxa uu keeni kara halis amni oo saamaysa Somaliland iyo geeska afrika.

Sida daraaded B.GX waxay ku baaqaysa in beesha caalamka iyo daneeyayaasha Siyaasadu si dag dag ah usoo fara galiyaan si loogu soo celiyo xukuumada dariiqi sharciga ahaa.

 5.Dilkii iyo tacadiyadii ay xukuumadu kula kacday dadkii samaynayay mudahraadadii salmiga ahaa

Waxa uu ahaa xasuuq qorshaysay beeshu waxa ay daba joogta dadkii gaysatay faldanbiyeed yadaas waxaanay dalbanaysa in lagu sameeyo baadhitaan madax banaan oo caalamiya.

6.Beesha West Burco Clan waxa ay ku baaqaysa in lasoo celiyo kala madax banaanidii isu dheeli tirkii iyo dhidibadii Somaliland ku taagan tahay oo kala ah,Fulinta,Garsoorka iyo barlamanka oo iskugu uruuray gacanta madaxwaynaha.

7.Beesha West Burco Clan waxa ay ku baaqaysa in ay xukuumadu faraha kala baxdo ganacsiga madaxa banaan ee dalka.

Jihada lagu maamulayana aan la siyaasadayn iyado lagu fushanayo dano gaara.

Gunaanad

shirku waxa uu ugu baaqaya dhamaan beelaha Somaliland ee jecelna wada jirka umada Somaliland inay isu taagan bad baadinta dalka Somaliland.

Alle mahad leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this