Deeq A. Posted October 26, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” wuxuu u magacaabay in uu noqdo La-taliye sare oo dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga ah. Sida lagu shegay dikreetadaan Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Prof. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu qoraalka madaxtooyada. La-taliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horay u soo qabtay xilal wasiirnimo oo heer federaal ah. Sidoo kale wuxuu ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladnimada iyo bulshada. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Prof. Juurile appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites