Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan sheekh oo la-taliye u magacaabay Prof. Juurile

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16667971868736126.jpg

Prof. Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) in uu noqdo la-taliye sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga”.

Prof. Juurile ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan sheekh oo la-taliye u magacaabay Prof. Juurile appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this