Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Xubnaha Maxkamadda sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,
  kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu xeeriyey
Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

1. Xassan Yuusuf Nuur                                Guddoomiye

2. Axmed Sheikh Cumar Xassan               Guddoomiye Ku-xigeen.

3. Saciid Axmed Faarax                                Garsoore.

4. Maxamuud Cawad Cumar                      Garsoore.

5. Saciid Maxamuud Maxamed               Garsoore.

6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi           Garsoore Kayd ah  .

7. Aadan  Axmed Moxamed                         Garsoore Kayd ah 

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Xubnaha Maxkamadda sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this