Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday magaalo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka billowday gobollo kamid ah Soomaaliya tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kacoonka oo markii hore ka billowday gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa hadda waxaa kusoo biiraay deegaano cusub oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Xudur ee gobalka Bakool, ayaa billaabay abaabul hubaysan oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, si ay isaga dulqaadaan.

Shacabka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay qayb ka noqdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Haween, Dhalinyaro iyo wayeel ayaa ka soo muuqday gudaha magaalada kuwaas oo ku hubaysan hubka, waxaana ay sheegeen in ay degmada Xudur iyo deegaannada hoostaga ay doonayaan in Al-Shabaab ka xureeyaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo dhowr sano ah waxay go’doon geliday Xudur, waxaana magaalada u furan oo kaliya dhanka cirka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa kacdoonkii ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay kooxdaan, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ballan qaadeyn inay 2 sano gudahood uga saari doonaan guud ahaan dalka.

311610525_489807533171681_13404047859869 311647101_489807499838351_22402924284645 311721104_489807456505022_79031432540551 312175876_489808049838296_90036233458020 312317917_489807376505030_15861037008126

The post Sawirro: Kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday magaalo cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this