Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Health Minister outlines strategy

Recommended Posts

siir ka hadley qorshi-hiisa

29 Mar 29, 2010 - 7:59:25 AM

 

Wasiirka cusub ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ka warbixiyey qorshihiisa howleed iyo sidii ay u taabo gali-lahaayeen kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahida caafimaadka ee ka jirta Puntland.

 

Shir jaraa'id oo uu Wasiirku saakay March 29,2010 ku qabtey xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland ayuu ku sheegey in ay muhiim tahay daryeel Caafimaad oo bulshada reer Puntland hellaan islamarkana loo baahan yahay sidii la isaga kashan lahaa sidii loo gaari lahaa balanqaadkaas.

 

Wasiirka ayaa sheegey in talaabooyinkii ugu horeeyey ee uu qaadey tan iyo markii uu la wareegey mas'uuliyada Wasaarada Caafimaadka Puntland aheyd dib u eegis uu ku sameeyey nidaamka Wasaaradu ku shaqeyso, iyada oo uu kulan la qaatey shaqalaha Wasarada si loo ogaado aragtiyadoda si loo saxo halka wax ka khaldan yihiin taasoo ugu dambeyntii sahashey in la soo saaro nidaamkii Wasaradu ku shaqeyn laheyd.

 

Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegey in isbedelkaasi uu noqonayo mid ka turjumaya baahida Wasaaradu u qabto in ay kasoo baxdo howlaha loo igmadey.

 

"Wasarada Caafimadku waxa ay kamid tahay Wasaradaha laf dhabarta u ah Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka ka shaqeeya ay noqdaan kuwo aqoon u leh Caafimaadka iyo Maaamul wanaaga si meesha looga saaro tayo xumada ka jirta Caafimaadka guud" ayuu yiri Wasiirka Wasarada Caafimaadka Puntland.

 

Wasiirka oo ku dheeraadey sharaxida qorshayaasha uu doonayo in uu ka hirgaliyo Wasaarada Caafimaadka Puntland kuwasoo aan horey u jirrin ay kamid tahay ilaalinta daawooyinka lagu gadayo gudaha Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ka mid ah Wasiiradii dhowaan uu soo magacaabey Madaxweynaha Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this