Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir looga hadlayo Khilaafka dhuleed ee dalalka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221025-WA0016.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa  ka qayb galay shir looga hadlayay khilaafaadka dhulka ee dalalka geeska iyo bariga Afrika kaas oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo soconayay muddo 3 maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay sidoo kale madax ka kala yimid dalalka geeska Afrika ee ku midaysan urur goboleedka IGAD iyo khubaro ka socday dalalka caalamka.

Shirkan oo ay abaabulkeeda lahayd urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kulankiisii maanta ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Uganda Marwo Jessica Alupo Wasiirro dalalka geeska Afrika ah, wafuud kala duwan iyo khubaro xariir la leh arrimaha dhulka ee dalalka geeska Afrika.

Dhanka Soomaaliya oo uu gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ka socday Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa maanta shirka looga hadlay sida hay’adda garsoorka uga qayb qaadan karaan khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeya dalalka geeska Afrika.

Dhamaan madaxdii kasoo qayb gashay ayaa tilmaamay in shirkan muhiim u yahay dalalka bariga iyo geeska afrika maadaama intooda badan uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhaxeeya laguna xaliyo si nabadeed.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir looga hadlayo Khilaafka dhuleed ee dalalka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this