Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal oo u anbabaxaya Burco+Ujeedka Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Suldaanka guud ee Beelwaynta Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye ayaa sheegay inay u safri doonan Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Suldaan Xasan ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka iyo Mujaahidinta Beesha Subeer Awal ay Casuumad rasmi ah ay ka heleen Beesha West Burco Clan oo Burco shir uga socda.
Suldaanku waxa uu sheegay inuu Wafti Madaxda Dhaqanka Beesha Subeer Awal iyo Mujaahidintii SNM ee Beeshu ay ka qayb gali doonan Shirka islamarkaana ay hoogaminayan waftigan Isaga iyo Mujaahidka wayn ee Ibraahim Dhagaweyne.
suldaan-2.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this