Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu R/W Xamza ka yiri xiriirka Soomaaliya iyo Qatar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Qatar Xasan Bin Xamza Hashim, kaas oo soo gabagabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa safiirka ku qaabliay hoygiisa, isaga oo u sameeyey casho sharaf, sidoo kalena guddoonsiiyey haddiyado gaar ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka labada waddan, wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoojiso.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa danjiraha dalka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhankiisa danjire Xasan Bin Xamza Hashim oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey wada shaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahad-naqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay ra’iisul wasaare Xamza.

Danjire Xasan Bin Xamza Hashim ayaa waxaa dhowaan beddeli doono safiirka cusub ee Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yiraahdo Cabdalla Saalim Nasser.

Safiirka la badalayo ee Qatar ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa sidii uu ula safnaa madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wuxuu saaxiib la ahaa maamul goboleedyada Farmaajo taageersanaa isaga oo maamulada kale u gaabiyey xiriirka, taasoo marar badan lagu dhaleeceeyey safiirka haatan la badalay.

312528983_467072948855190_37229936496323 312589778_467073018855183_88088546483164 313005465_467072942188524_84840404303971 313021522_467073012188517_34635209612994 313047027_467072848855200_14338066208041

The post Sawirro: Muxuu R/W Xamza ka yiri xiriirka Soomaaliya iyo Qatar? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this