Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay dilka marxuumad Juweeriya Subcis

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666752653314.jpg

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Jaweeriya Subcis.

Marxuumad Juweeriya ayaa gelinkii dambe ee shalay u geeriyootay rasaas uu ku furay askari ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jigjiga.

Masaxweynaha ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in hay’adaha Amnigu ay gacanta ku hayaan baarista dhacdadan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa ka tirsanayd Baarlamaanka Soomaalida waxayna xubin ka ahayd xisbiga Barwaaqo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay dilka marxuumad Juweeriya Subcis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this