General Duke Posted March 25, 2008 Ciidamada boliska degmada Waaberi oo soo qab-qabtay kooxo dhac geysanayay kuna labisnaa dareska ciidamada Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Marso-08 Wararka naga soo gaaraya degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey sheegayaan in ciidamada boliska ee degmadaasi ey kusoo qab-qabteen maanta howl-gallo ey sameeyeen rag dhac iyo baad ka geysanayay degaankaasi oo ku libisnaa dareeska ciidamada. Burcadan lasoo qab-qabtay ayaa tiradoodu naloogu sheegay ilaa 2-nin halka laba kalena ey ka baxsadeen goobta kadib markii ey arkeen dareemena in iyaga lagusoo maqan yahay. Boliska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ey siteen raggan oo ah hal qori iyo hal bistoolad, iyadoo qorigana uu tuuray mid ka mid ah ragii baxsaday ee la eryaday. Howl-galkan ey fuliyeen ciidamada boslika ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka, kuwaasoo qaati ka taagnaa ragga soo xidha dareeska ciidamada islamarkaana dhaca u geysta. Waa talaabadii labaad oo ey ku fuliyaan ciidamada boliska ee degmadaasi kooxaha burcadda ee dhaca geysta islamarkaana ku labista ciidamada. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 25, 2008 Kooxaha Qowleysatada Ku libista Dareeyska Ciidamada Dowlada ee dhaca ka geesta magaalda Muqdisho ayaa saakay lagu qabtay Deg/Waaberi iyagoo dhac gaysanayay Kooxaha Qowlaysatada Ku libista Dareeyska Ciidamada Dowlada ee dhaca kageesta magaalada Muqdisho ayaa saakay lagu qabtay Deg/Waaberi iyagoo dhac gaysanayay qaar ka mida ah Raagaas oo ku Libisnaa Dareeyska Ciidamada Dowlada ayaa iyagoo dhac ka geeysanayay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir. Ciidamada Booliiska Degmada Waaberi oo howlgalo ay sameeyeen kusoo qabteen ragaan ku libisnaa dareeyska Ciidamada Dowlada KMGS isla markaana lugu eedeeyay in ay dhac ka geeysanayeen qeeybo ka mida degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidmada Saldhiga Booliiska Degmadasi. Tirada Ragani ku lebisnaa Dareeyska Ciidamada Dowlada ee dhaca ka geeysanayay Degmada Waaberi oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Booliiska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa waxaa ka Mid mida ah Qoryihii ay wateen Ragaasi . Ciidamadani Booliska ah ayaa waxaa hor kacayay Gudoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meeyre ayaan sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay Rasaas ay is weeydaarsadeen labada Dhinac markii ay soo qabanayeen . Ma’ahan markii ugu horeeysay oo qeeybo ka mida ah Gobalka banadir laga soo sheego In ay dhac ka geeystaan rag ku libisan dareeyska Ciidamada Dowlada KMGS hase ahaatee Talaabadani manta la qaaday ayaa mid wanagsan suurtagalna ka dhigayso inay baqdin galiso kooxaha wax yeeleeynaya shacabka Talabadaan ayaa waxaa ay tahay mid ay aad u soo dhaweeyeen Dadka soomaliyeed ee kala garan waxa ka jira magaalda Muqdisho cida ka mas'uulka ah . Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Quote Share this post Link to post Share on other sites