Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Taliska Booliiska Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666704416332.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha  kala duwan ee talisyada ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada, maadaama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo lagu dhibaataynayo shacabka.

” Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey argagaixisada, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahan caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Taliska Booliiska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this