Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka laabatay go’aankeedii arrimaha shidaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16667047195944650.jpg

Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaa shidaalka, waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweyne Deni oo maanta hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya,….sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka laabatay go’aankeedii arrimaha shidaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this