Deeq A. Posted October 25, 2022 Wararka naga soo gaarayo gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada oo kaa shanaya dadka deegaanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Qaayid oo hoostaga gobalka Galgaduud. Qaayib ayaa kamid ah deegaanada Isteraatijiga ah ee ay ururka alshabaab ka heysteen gobalka waxaana qiyaastii 40 km ay u jirta degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud. Guddoomiyaha degmada Caada-kibir oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah ururka Alshabaab. Qaayib ayay Alshabaab maamulayeen in ka badan 6 sano, halkaas oo ay ku lahaayeen farriisimo waawayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites