Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan macawislayda degaanka ayaa maanta la wareegay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km.

Kornel Cabdi Maxamuud Jaamac oo ka mid ah saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in ciidanku ay dagaal la’aan kula wareegeen Qaayib kadib markii Al-shabaab isaga baxeen halkaas.

Qaayib oo ahayd goob in ka badan 6-sano ay Al-shabaab fariisin ku lahaayeen ayaa waxaa ku yaallay xarumo ciidan iyo maxkamad ay Shabaabku leeyihiin sida saraamiishu sheegeen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this