Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan saagootin ah la qaatay James Swan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666696244508.jpg

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan saagootin ah la qaatay James Swan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this