Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaambooga DOVE Oo La Ogaaday In Laga Qaado Cudurka Kansarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kambaniga caanka ah ee Unilever waxay dib u ururinayaan si ay suuqyada uga saaraan qaar ka mid ah wax soo saarkooda gaar ahaan Shaambooyada iyo kiriimada jidhka lagu udgiyo sida Dove, Nexxus, Suave, TIGI iyo TRESemmé aerosol oo ah shaambooyo, kiriimo iyo cadarka Bukhuurka ah ee jidhka lagu udgooneeyo kuwaasi oo ay ku sheegtay in maaddo ku jirta oo lagu magacaano benzene ay sababi karto kansar.
Qormadan oo aan idiinka soo turjumay Telefishanka Maraykanka ee CNN waxa ay intaasi ku daraysaa in wax soo saarka shirkadda Unilever gaar ahaan baadhitaano lagu hayay tan iyo sannadkii 2021 wixii intaa ka dambeeyeyna ay soo baxeen xogo caafimaad oo halis galinaya gaar ahaan shaambooga Dove oo ay dunidu si weyn u isticmaasho. Waxa arrintan ka shaqaynayay oo shirkadda baadhitaan culus galiyey maamulka la socodka bed-qabka cuntada iyo daawooyinka dalka Maraykanka.
Warbixinta CNN baahisay sidoo kale waxa lagu yidhi: “Alaabada ay ka midka yihiin Dove Dry Shampoo Volume, Dove Dry Shampoo Fresh Coconut, Nexxus Shaambo oo ah kan Qallalan dhammaantood waxa ku jirta maadada Benzene oo si weyn jidhka aadamaha ugu sababta noocyo ka mid ah kansarka. Soo-gaadhista maadada Benzene ee Jidhku waxay ku keeni kartaa dhibaato dhinaca neefsashada ah, afka, iyo maqaarka, waxayna keeni kartaa Kansar ay ka mid yihiin Kansarka Leukemia iyo Kansarka Dhiigga.
Dhinaca kale waaxda la socodka daawooyinka iyo Cuntada Maraykanka ee FDA ayaa muwaadiniinta Maraykanka ah ugu baaqday in ay dhaqaalaha kaga baxay iibsashada agabkan shirkadda soo saartay mag=dhaw kaga qaadan karaan waxaanay tidhi: “Macaamiishu waa inay joojiyaan isticmaalka Shaambooyada DOVE, isla markaana booqo mareegta UnileverRecall.com si aad u hesho tilmaamo ku saabsan sida loo helo magdhow ku aaddan lacagtii kaaga baxday ee aad xaqa u leedahay in laguu mag-dhabo” ayay tidhi FDA
Kambaniga Unilever ee soo saara shaamboogan halista caafimaad lagu sheegay ayaan wali jawaab waafi ah ka bixin dhibaatada lagu eedeeyey wax soo saarkooda.
Dalkeenna ayaa ka mid ah dalalka aadka looga isticmaalo Shaambooyadan gaar ahaan nooca loo yaqaano DOVE – Nutritive solutions oo isla imika oo aan qormadan turjumayo aan miiska ka soo dul qaaday oo I garab yaalla.

W/Turjumay: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this