Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo 8-sano kadib sagootisay Safiirkii hore ee Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga sagootiyey safiirkii dowladda Qatar u joogay Soomaaliya 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula yeeshay Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan bin Xamza Asad Mohammed Hashim.

Waxaa soo gabagabowday 8 sano oo shaqo safiirnimo uu ku joogay dalka Soomaaliya, kadib markii ay dhawaan safiir cusub soo dirsatay dowladda Qatar.

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay xiriirkii iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee uu la lahaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo taageeradii ay dawladda Qatar “marwalba la garab taagan tahay dalkeena Soomaaliya.”

Qatar ayaa ahayd dowladda ugu dhow ee saaxiibka koowaad u aheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna hadda u muqataa inay bedeshay siyaasadeedii Soomaaliya oo ay dejineyso siyaasad cusub oo ay kula shaqeyso dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dowladda Soomaaliya iyo Qatar waxay kee yihiin xiriir soo jireen ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraalkii ay sagootinta safiirka ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

FB_IMG_1666641981574.jpg FB_IMG_1666641977003.jpg FB_IMG_1666641974218.jpg FB_IMG_1666641971245.jpg FB_IMG_1666641939717.jpg FB_IMG_1666641924211.jpg FB_IMG_1666641922224.jpg FB_IMG_1666641919660.jpg

The post Sawirro: DF Soomaaliya oo 8-sano kadib sagootisay Safiirkii hore ee Qatar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this