Sign in to follow this  
Deeq A.

JAMES SWAN oo warbixin muhiim ah kulankii maanta kula wadaagay Xamza + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulanka ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha kaga dhageystay warbixin wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyd hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka.

James ayaa sidoo kale waxa uu Xamza la wadaagay howlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, islamarkaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhawaan wareejin doona xilka wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu ra’iisul wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan, oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

311463160_466098142286004_78392042359108 312961677_466098212285997_37391432558662 Swan.jpeg 312955121_466098175619334_79478369257964 312382547_466098132286005_46735417882718 312812867_466098165619335_58583239696389 Xamza-Swan.jpeg

The post JAMES SWAN oo warbixin muhiim ah kulankii maanta kula wadaagay Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this