Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Difaaca Soomaaliya kala hadlay dhigiisa iyo taliyaha ciidamada Jabuuti?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah dalka Jabuuti kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas,  Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.

Wasiir Cabdulqaadir oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ee walaalaha ah ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Argagixisada, si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta Soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soonaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-shabaab.

Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

37bcc8d3-af6a-4353-b822-fbc0e970192c.jpg 2738d2aa-cd7e-403f-ad85-2bed8e4d0e7d.jpg 69af047b-e5b5-4ae3-9434-b4d400fa0cb5.jpg a9a98ea1-5a18-4996-b975-9158735109fc.jpg 2f4f62e2-2771-4e32-b621-5d58f9340f66.jpg 1f2f1d4f-6f60-4520-ae95-d634ccea8a57.jpg 8cff3cfc-70f4-4df1-b095-0696119acd82.jpg 585458eb-121c-477b-b45b-31ef13615477.jpg

The post Sawirro: Wasiirka Difaaca Soomaaliya kala hadlay dhigiisa iyo taliyaha ciidamada Jabuuti? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this