Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Hassan_Sheikh_madaxda-MG-2.jpeg

Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho ka qabsoomo 27 bishan October.

Wararku waxay sheegayaan in Shirkaas oo ay martigelinayso Villa Somalia ay ka qayb-geli doonaan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale yeelan doona shir u gaar ah oo aan cidna ku wehelin.

Siciid Deni ayaa sida warar lagu kalsoonaan karo sheegayan wuxuu Xasan Sheekh ka dalbadan doonaa arrima isaga u gaar ah.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in arrimahaas ay kamid yihiin xilal uu Siciid Deni rabo in loo magacaabo dad isagu riixayo iyo sidoo kale in Villa Somalia ku taageerto barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayuu horay ugu qorshaysnaa safarkiisa u gaarka ah ee Muqdisho balse Villa Somalia ayaa ku beegtay Shirkan.

PUNTLAND POST

The post Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this