Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Diyaaradda Drone-ta Ah Ee Ruushku Kasoo Qaatay Dalka IRAN Qaatay Kuna Garaacayo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii diyaaradaha dagaal ee aan duuliyaha lahayn ee Turkigu saamayn weyn ku yeesheen dagaallada dhex maraya Ruushka iyo Ukraine iyo dhinaca kale Azarnaijan iyo Armenia dunidada ay qabsadeen xogaha Milatari ee la xidhiidha awoodda Turkigu ku hogaamiyey dunida ee taatikada iyo awoodda dagaal ee Bauraqdaar waxa mar kale sida hillaaca labadii bilood ee ugu dambeeyey dagaalka Ukraine waji kale u dhigay Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn oo Iiraan samaysay oo dagaalka loo adeegsaday kuwaasi oo uu Ruushku dagaalka ku soo galay kadib markii uu xidhmooyin aad u tiro badan oo laba nooc oo diyaaradahan ah ka soo iibsaday Iiraan.

Qofnaba ma filayn in labada waddan oo Islaam ah sida Turkiga iyo Iiraan hubkooda casriga ah ee ay soo saaraan saamaynta ugu weyn ku yeelan karayay dagaalka dadban ee u dhaxeeya labada quwadood ee NATO iyo Ruushka. Waana mawduuc ay in badan daraasaynayaan waxna ka qorayaan cilmi baadhayaasha iyo kooxaha arrimaha Milatariga ah ka warramaa.

Midawga Yurub waxa ay toddobaadkan sheegeen inay soo ururiyeen caddaymo muujinaya in Iran ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u dirtay dalka Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, waxayna sheegeen inay diyaariyeen liisk cunaqabatayno ah oo ay kaga aargoosanayaan arrintaas. Hannaanka difaaca cirka ee wadamada reer galbeedku ay ku xoojiyeen dalka Ukraine ayaa caqabad ku noqday in diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay ka hawlgalaan hawada dalka Ukriane, taas bedelkeeda waxaa ciidamada Ruushku ay isticmaalayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo qiime ahaan aad u jaban, si ay u burburiyaan bartilmaameedyadooda, iyagoo cabsi ku abuuraya shacabka iyo ciidamada.
Waxaa la rumaysan yahay in Ruushku uu raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ee lagu sameeyey dalka Iran, inuu ku weeraray dalka Ukraine, isaga oo bartilmaameedsanaya wershedaha laydhka, iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Nabila Massrali oo u hadashay ururka Midawga Yurub ayaa sheegtay Arbacadii, “inuu jiro heshiis siyaasadeed oo si weyn loo wadaagay, oo tilmaamaya in Midawga Yurub uu si dhakhso ah uga falceliyo arrintan, annaga oo soo ururinay caddaymihii aan u baahnayn. Shaqadu waxay ka dhex socotaa golaha (xubnaha ururka Midawga Yurub) oo ah in la bixiyo jawaab cad oo degdeg ah oo adag” ayay tidhi. Sarkaal ka tirsan Midawga Yurub iyo laba diblomaasi oo kale ayaa sheegay in illaa maalinta khamiista in la soo gebagebeyn doono cunaqabataynada la saarayo Iran, xilligaas oo madaxda Midawga Yurub ay ku kulmayaan Brussels. Tallaabooyinka la qaadayo ayay ku jiraan, in la xannibo hantida hay’ad dawladeed, shirkad ama ururo kale iyo in xannibaad dhinaca safarka ah iyo hantidooda oo la xayiro in la isugu daro qaar ka mida masuuliyiinta ku lug leh hawlaha iibka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Laba nooc oo diyaaradahan dagaal ee Drone-ka ah oo ay Iiraan farsamaysay ayuu Ruushkii Afartii toddobaad ee ugu dabeeyey si weyn ugu adeegsaday dagaalka duullaanka uu Ukraine ka wado waxaanay kala yihiin Saahid 136 iyo Muhaajir 6. Waxa la yaab leh hadddaba in Shaahid 136 ay ka duwan tahay diyaaradaha dagaalka Drones-ka ah ee hore aynu u naqaanay oo ah kuwo iyagu garaaca bartilmaameedka hadba lagu hagayo marar bandanna dib loo soo celin karo oo dib loo soo fadhiisiyo haddii aan markaa gantaal lagu dhufan. Shaahid 136 waxa ay tahay iyadu mid is-qarxisa oo sida gantaalka loo adeegsanayo oo aan dib u soo laabanayn. Waxa ay awood u leedahay in ay ka dhuumato oo aanu soo qaban raadaarku waxa kale oo ay awood u leedahay in aanu raadaarrada laysarka ku shaqeeyaa soo qaban oo aanu arki Karin waxa kale oo ay awood u leedahay in ay ka dhuumato kaamerooyinka laysarka ku shaqeeya waxaana arrimahasi suurto galiyay maadada qalfoofkeeda sare ka samaysan yahay oo ah maadada zinck.
Shaahid 136 waa gantaal laba baad leh oo u samaysan sidii diyaarad dagaal oo casri ah. Waxaanan halkan ku soo koobay xogteeda:
Ugu horrayn sida aan soo sheegnay waa diyaarada dagaal oo Drone ah oo intixaari ah ama isku qarxisa bartilmaameedkeeda.
Waxa ay Iiraan soo saartay sannadkii 2020ka, iyada oo la hawl galiyey markii ugu horraysay sanadkii 2021-ka. Lana rumaysan yahay in Iiraan ku tijaabisay goobo dhawr ah oo dibadda ah oo ay hawlgallo ciidamadeedu u joogaan sida Suuriya, Ciraaq iyo Goobo kale oo ay hawlgalladeedu ku gaadhaan taageero sida dalka Yemen oo ay ku hubeeyeen noocyo ka mid ah Drons ka kuwaasi oo marar badan Sucuudiga lagu weeraray illaa ugu dambayn laga soo gaadhayay Bishii September ee aan ka soo gudubnay oo Ruushku si rasmi ah uga hawl galiyay diyaaradaha Iiraan dalka Ukraine.
Shaahid 136 waxa ay awood buuxda u leedahay in ay ka hawl gali karto masaafo dhan 2000 oo km, oo ay wax ka duqan karto.
Dhererkeedu waa 3,5 Mitir.
Labadeeda baal dhererkoodu waa 2,5 Mitir
Miisaankeedu waxa uu dhan yahay 200 oo KG.
Waxa ay leedahay cufnaan culus oo awood badan oo wax qarxineed taasi oo ka saacidaysa in qaraxa ay samaysaa uu awood badan leeyahay. Waxa uu madaxeedu sidaa culays dhan in ka badan 60kg oo samayn kara qarax aad u weyn goobta uu haleelana dhulka la simaya. Waxa ay Shaahid 136 halkii saac duuli kartaa masaafo ka badan 185km oo isku wareeg ah. Awooddaasina waa tan durba dunida ka yaabisay ee caanka ka dhigtay wax soo saarkan Iiraan oo lagu farsameeyey warshadaha gudaha Iiraan.
In muddo ahba, weerarrada drones-ka waxay noqdeen howlgallada ugu muhiimsan ee ay fuliyaan militariga dalalka Adduunku waxaana la rumeysan yahay inay ahaayeen Maraykanka iyo Israel dalalkii ugu horreeyay ee awooddaas isticmaalay. Balse arrintu waxay isu baddashay si deg deg ah, haddana waa cusub ayaa u baryay hubka casriga ah ee dunida laga adeegsado, waxaana drones-ka ku hubeysan dalal aad u badan. Waxay noqdeen hubka keliya ee lagu ugaadhsado kooxaha ay dalalka qaarkood ugaadhasadaan ee Maleeshiyaadka ah eek u dhuumaalaysta goobaha qarfaha iyo lama dagaanka ah. Gaar ahaan hawlgallada aan fool ka foolka ahayn. Waxaanay Iiraan sidaa ku noqonaysaa waddanka Turkiga kusoo labeeya awoodda lala yaabban yahay ee wax soo saara Drone-ka.
loogu yeero argagixisada iyo fallaagada ku dhuumaaleysta dhulalka lama galaanka ah. Inta badan howlgallada ay fuliyaanna waxay leeyihiin natiijo. Maadaama ay dunidu ku jirto waqti la heysto tiknoolojiyad casri ah, maalinba maalinta ka dambeysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa la sii casriyeynayaa, awooddodana way sii kordheysaa. Waxaa la filayaa in mustaqbalkana ay intan kasii casrisanaan doonaan.
Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 waxa lagu naanaysaa Aramco Killer, oo loola jeedo dilaagii ARAMCO oo ah weerarradii ay Xuutiyiintu ku qaadeen shirkadda shidaalka Sucuudiga ee ARAMCO oo diyaaraddan loo adeegsaday waxyeello weynna gaadhsiisay. Iiraan waxa ay markii ug
Dhoolla-tuskii 17 ee Rasuulka weyn ayay Iiraan markii ugu horraysay kusoo bandhigtay Noocan diyaaradaha dagaal ee Drone-ka ah markii ugu horeysay, sawiro ku dhow dhow ee diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 iyo waxqabadkeeda ayaa lagu soo bandhigay dhoolla-tuskaasi Milatari ee Rasuulka weyn. Iyada oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada.
Qiimaha Shahed-136 ayaa durba cirka isku shareeray kadib markii la arkay awoodda dagaal ee ay leedahay waxaana la xaqiijiyey in Iiraan ay dalal badani ka soo dalbadeen inkasta oo Maraykanka iyo Israel dadaal weyn ugu jiraan sidii mashruucan loo fashilin lahaa ee Iiraan loo curyaamin lahaa, halka Midawga Yurub na isna imika kaga soo baraarugay oo uu isku dayayo in uu Iiraan cuno qabatayn kusii kordhiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this