Sign in to follow this  
Deeq A.

Qisada Duuliye La Habaabay Diyaarad Ruushku Leeyahay Oo Ka Dagey Gobol Mareykanka Ah!

Recommended Posts

Deeq A.   

Duuliye u dhashay dalka Kuuba ayaa jimcihii la soo dhaafay diyaarad duug ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ka dejiyay garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta gobolka Florida, ee dalka Mareykanka sida ay ku warrameen mas’uuliyiinta dalkaas. Diyaaradda Antonov An-2 ayaa ku degtay garoonka Dade-Collier subaxdii jimcaha abbaaro 11:30- subaxnimo xiliga waqtiga maxaliga ah. Gegida dayuuradaha ee Dade-Collier waxay ku taal meel u dhow dhulka qoyan ee Florida. Duuliyaha reer Kuuba ayaa sheegay inuu ka soo duulay Sancti Spíritus, oo ah gobol ku yaalla badhtamaha Kuuba oo in ka badan 400 kilomitir dhanka bari kaga beegan Havana, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka caalamiga ah ee Miami.

Bogga facebook ee warbaahinta CiberCuba ayaa lagu sheegay in duuliyaha waday diyaaradda, lagu magacaabo Rubén Martínez, waxaana boggaasi lagu baahiyay sidoo kale sawirro muujinaya diyaarad midabkeedu jaalle yahay oo taagan cirifka garoonka laga dejiyay. Sida laga soo xigtay CiberCuba, Martínez wuxuu duuliye u ahaa Shirkadda Adeegga Hawada ee Cuba (ENSA). Lama oga ilaa iyo hadda xaaladda ku qasabtay inuu weeciyo dayuuradda oo uu ka dejiyo meel aan qorshaha ugu jirin markii hore.

Diyaaraddan Antonov An-2, oo sidoo kale loo yaqaanno Annushka, waa diyaarad hal matoor leh oo asal ahaan ka mid ah diyaaradihii 1940-yadii, la isticmaali jiray waxayna ahayd noocii ugu horreeyay ee diyaaradaha Antonov, oo sidoo kale ahaa diyaaradihii dhanka ganacsiga loo adeegsan jiray. Diyaaraddan hadda ka degtay garoonka Florida ayaa ah nooc loo isticmaalo alaabaha fudfudud iyo beeraha, waxayna qaaddaa 12 qof oo rakaab ah. Tirada dadka Kuuba ee safarka dhulka iyo baddaba ku tagaya Mareykanka ayaa cirka isku shareertay sanadkii lasoo dhaafay. Ilaa iyo hadda bishan Oktoobar, mas’uuliyiintu waxay badda ku qabteen in ka badan 400 oo qof, oo la socday doomo. Xafiiska canshuuraha iyo ilaalinta xudduudaha ayaa billaabay baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this