Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo sababo caafimaad awgeed Dhakhaatiirtiisu ka joojisey Safarada Diyaaradaha,kana baaqan doona Shirar Caalamiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo sababo caafimaad awgeed Dhakhaatiirtiisu ka joojisey Safarada Diyaaradaha

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalka Algeria ayaaa lagu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uusan ka qeybgeli doonin shirka dalalka Carabta ee bisha dambe ka dhici doono dalka Algeria.

Waxay sababta ku sheegeen in Maxamed Bin Salmaan uu u hoggaansamayo talooyinka ay usoo jeediyeen dhakhaatiirtiisa.

Qoraal rasmiya oo ka soo baxay Qasriga Boqortooyada Saudi Arabia

sa.png

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Algeria AbdulMajiid Tebboune uu soo wacay Maxamed Bin Salmaan isla markaana uu u sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirka.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta ayaa lagu wadaa in Algeria ay ku yeeshaan kulankoodii 31-aad, shirkaas wuxuu socon doonaa 1-da ilaa 2-da bisha Novembar ee nagu soo aadan.

#الرئيس_تبون 🇩🇿 يتلقى مكالمة هاتفية 📞 من ولي عهد #المملكة_العربية_السعودية 🇸🇦 الأمير #محمد_بن_سلمان

🔗https://t.co/mCqK6dw3TF pic.twitter.com/mTAytCWgIX

— ALGÉRIE PRESSE SERVICE | وكالة الأنباء الجزائرية (@APS_Algerie) October 22, 2022

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this